1038 Views

Nour Mao “Waxaan bartay sida la isugu rakibo baabuurka Scania”

____________________________________________________________________________

16, June Talaado,  [Qaranimo Online] Nour Mao, waa wiil dhalinyaro Soomaali ah, oo degan magaalada Nunspeet ee waddanka Holland.

Nour, wuxuu muddo ku dhow 10 sanno ka howlgalayay shirkadda soo saarta baabuurta ee SCANIA xarunteeda ugu wayn ee Yurub oo ku  taal magaalada Zwolle ee dalka Nederlands, shirkadaas oo laga leeyahay Sweden.

“Khibradda shaqo ee aan kororsaday ka sokow, waxaan bartay billoow ilaa dhammaad sida baabuurka Scania loo rakibo, waxaa la inoo keenaa buudiga gaariga, annaga ayaa matoorka iyo dhammaan qalabka gaarigu u baahan yahay ku rakibna, ilaa gaarigu dhaqaaqi karo” Ayuu yiri Mao, isaga oo xusay in xirfada isku rakibada baabuurta ee uu kororsaday  ay ku dhiiragalineyso in haddii uu furto garaash uu samayn karo baabuurka Scania.

Nour, wuxuu xusay in qofku ka libin keeni karo waxa uu aamisan yahay haddii uu dedaal iyo dulqaad la yimaado, isaga oo ku booriyey dhalinyarada aynigiisa ah ee dalkaasi ku dhaqan in ay ku baraarugaan ka faa’ideysiga fursadaha ay haystaan.

“Aniga iyo dhalinyaro kale oo Soomaali ah waxaan helnay fursad shaqo oo ay na siisay Scania, marka bulshada aad la nooshahay aad dhinac ka raacdo, lana timaado hadaf aad mustaqbalkaaga ku hagaajineyso sawirka lagaa qaadanayo ma noqonayo adiga keligaa inaad tahay shaqsi wanaagsan, ee waxaa sidoo kale sawir wanaagsan laga qaadanayaa dadka aad ka soo jeedo, marka qof kasta marka qurbaha la joogo safiir buu dalkiisa u yahay” Ayuu yiri Nour.

Nour, wuxuu  ku dhiiragelinayaa dadka Soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada in ay ka faa’deystaan fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee ay ka helaan dalalka ay joogaan, gaar ahaan dadka ku dhaqan waddamada Galbeedka.

“Dalkeena Soomaaliya rajo iyo mustaqbal wanaagsan ayaa maanta ka soo bidhaameysa, qof kasta ee Soomaali ah ee wax bartay berri marka uu dalkiisa ku laabto waa in dalkii uu wax ku celiyaa” Ayuu yiri Nour.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post