1197 Views

Xal laga gaaray Xiisadii ka jirtay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo

Xal laga gaaray Xiisadii ka jirtay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Waxaa ugu dambeyn Maanta xal laga gaaray xiisadii dagaal ee u dhaxeeysay Ciidamada dowladda Soomaliya ay geeysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo iyo Ciidamada taaabacsan wasiirkii hore ee Amniag jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kuwaas o uu horay ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayay taagneyd xiisadaas, waxaana la sheegay in Odayaasha Dhaqanka degmada Doolow iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka dadaal farabadan oo ay sameeyeen lagu xaliyay.

Taliyaha Guutada 10aad Qeybta 43aad ee Gobolka Gedo Korneyl Warfaa Sheekh Aadan Faroole ayaa sheegay inay xalineen tabashooyinkii Ciidamada ay qabeen, isla markaana xerooyinkooda ay ku laabteen.

Taliyaha ayaa waxaa uu  si gaar ah ugu mahad celinayay sarakiisha Dowlada feradaraalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Doolow iyo Waxgaradkii ka qeyb qaatay xalka la gaaray.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Dolow ee Gobolka Cali Faarax Mire oo la hadlay Shacabka iyo Shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha samafalka ayaa sheegay in Degmada ay xiligan tahay mid Nabad, waxaana uu  laamaha amniga ku amray in gacan bir ah ku soo qabtaan kuwa faafinaya colaada iyo amni darada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda iyo kuwii uu dowladda ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, iyada oo qaar kamid ah dadka degmada Doolow ay barakaceen.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post