651 Views

Ciidamada ammaanka oo ku soo qabtay Rag watay Mindi & Bastoolad macmal ah dadka Hiliwaa ku dhici jiray

Ciidamada ammaanka oo  ku soo qabtay Rag watay  Mindi & Bastoolad macmal ah dadka Hiliwaa ku dhici jiray
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka waxa ay kusoo qabteen labo ruux oo kala watay Mindi & Bastoolad macmal ah, waxa ay Degmada Hiliwaa ku dhacayeen dadka shacabka ah sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmadaas Mire Salaad Dhuxulow.

Booliiska Dowladda Federaalka oo ay gaartay cabashada dadka shacabka ah ayaa sameeyey howlgalkooda kusoo qabtay labadaan ruux oo maamulka Degmada Hiliwaa sheegay in la maxkamadeynayo.

Muqdisho waxaa dhac ka geysta kooxo hubeysan oo qaarkood xiran dharka Ciidanka Dowladda Federaalka, Hay’adaha amniga ayaa dhowr jeer soo bandhigay dhalinyaro ku eedeysan in ay dadka ka furtaan hantidooda sida Telefoonnada gacanta.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa joogta uga socda howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka, saraakiisha hoggaamineysa howlgall

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post