4308 Views

Kenya oo sheegtay in aysan ciidankeeda ka saari doonin Soomaaliya

Kenya oo sheegtay in aysan ciidankeeda ka saari doonin Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 17, 2015 — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan marnaba ciidamadeeda kala bixidoonin  Soomaaliya, xilli Baarlamaanka Soomaaliya uu soo jeediyay qaraar ka dhan ah joogitaanka Ciidamada Dowlada Kenya.

Xoghayaha Gaashaandhiga Kenya Rijel Umamo ayaa dhawaaqay in Ciidamada Kenya ay Soomaaliya u joogaan si sharci ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Kenya waxay qeyb ka tahay AMISOM, waxayna ku shaqeysaa shuruucda AMISOM iyo waliba aragtida hawlgalka ciidamada AMISOM, Soomaaliya iskama joogno waxaan halkaas u joognaa midowga Africa iyo beesha caalamka kuwaas oo taageeraya dadaalkeena ku aadan sidii loo dejin lahaa dalka Soomaaliya, waxaan is leeyahay xaaladaan oo kale waxaa jira kara dhacdooyin siyaasiyiintu ka soo yeeraya, laakiin muhiimaddu waxay tahay inaan xoogga saarno xasiloonida dalka iyo inaan diiradda saarno dadaalkan wanaagsan ee hadda aan ka wadno Soomaaliya, waxaan sii ahaan doonnaa AMISOM illaa AMISOM ay ku guuleysato hadafkeeda” ayey tiri Rijel Umamo

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka hadlaayay arrinta Kenya ay ku dooneyso inay darbi ka dhisto xuduuda u dhaxeeya labada dal, taas qeyla dhaan ka keeneen siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dalbanayay in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan qeybo ka mid aj Jubadda Hoose iyo Gedo, waxaana marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ay u geysteen dad rayid ah isla markaana ay laayeen xoolo fara badan oo an la ogeeyn tiradooda.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment