714 Views

Kenya oo adkeysay Amniga Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii

Kenya oo adkeysay Amniga Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ayaa adkeeyay ammaanka xaafadda Eastleigh ee magaalada Naiorbi kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah oo lagu beegsanayay bulshada Soomaalida ee ku nool Xaafaddaasi.

Guddiga amniga Xaafadda Eastleigh ayaa sheegay in hawlgalladii looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa kooxo burcad hubaysan oo maalmihii lasoo dhaafay dhac ka gaysanayay xaafadda Eastleigh.

Ciidamada ayaa waxaa lagu arkayay waddooyinka waaweyn iyo Xaafadaha Magaalada Nairobi, iyaga oo baadi goobaya Kooxaha dhaca geeysanaya ee sida gaarka ah u bartilmaameedsanaya dadka Ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida.

Ganacsatada Soomaalida ah ee Xaafada Islii ayaa maalmihii la soo dhaafay muujinayay walaac la xiriira beegsiga lagu haayo, waxaana 8-dii Bishaan Xaafada Islii lagu dilay Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo laga qaatay taleefoon uu watay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post