843 Views

Nin Soomaali ah oo si arxan darro ah shalay loogu dilay magaalada London

Nin Soomaali ah oo  si arxan darro ah shalay  loogu dilay magaalada London
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida.

Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey u sheegeen Saxaafada.

Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Waxaa kadib goobta soo gaaray kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay isbital ka ag dhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday.

Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ugu yaraan lix qof oo dhammaantood loo adeegsaday mindi. 

Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka.

London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaaliyeed ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post