399 Views

Golaha Amniga Puntland oo shirkoodi kowaad yeeshay

Golaha Amniga Puntland oo shirkoodi kowaad yeeshay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 16, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland

Kulanka ayaa ku saabsana xogwaran, iyadoo goluhu uu ka hadlay xaaladda guud ee amniga Puntland iyo hannaanka goluhu uga shaqeynayo amniga iyo qorsheyaasha lagu sii horumarinayo, sida lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha kadib kulanka golaha.

Golahan waxaa guddoomiye u ah madaxweyne Siciid waxaana uu ka kooban yahay

GOLAHA AMNIGA PUNTLAND

  1. Madaxweynaha (Guddoomiye)
  2. Madaxweyne Ku-xigeenka
  3. (Guddoomiye Ku Xigaanka)
  4. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)
  5. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)
  6. Wasiirka Maaliyadda (Xubin)
  7. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)
  8. Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)
  9. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)
  10. Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
  11. Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)
  12. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)
  13. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka (Xubin)

DHAMMAAD

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post