588 Views

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Jubbada hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Jubbada hoose
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal lagu baacsanayay maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Hogaamineysay Ciidamada, intii uu socday hawlgalku ciidamadu waxay cagta mariyeen goobo ay ku dhumalaysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas nabad-diidka looga dilay afar maleeshiyo, halka lix xukalana looga dhaawacay.

Howlgalkan ay sameyeen Ciidamada ayaa  yimid ka dib markii qeylo dhaan ay kaga timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan, kuwaas oo u adkeysan waayay dhibaatada argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post