1299 Views

Farmaajo oo lagu wado in saacadaha soo socda la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar Sheekh Tamiim

Farmaajo oo lagu wado  in saacadaha soo socda  la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar Sheekh Tamiim
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Qatar uga qeyb geli doona furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda ku sugan dalka Qatar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post