882 Views

Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex qodob oo sabab u ah khilaafka doorashada

Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex qodob oo sabab u ah khilaafka doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha khilaafka doorashooyinka , arrinta gobolka Gedo, isaga oo sidoo kale soo bandhigay Saddex qodob oo sabab u ah khilaafka doorashooyinka.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadda sanad-guuradii labaad ee markii la dortay Madaxweyaha Puntland ayaa sheegay inay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka doorashada, isla markaana saamileyda siyaasadeed ee dalka a y ka wada hadlaan.

“ Waxa uu culeyska ka taagan yahay waa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada, waxaana meesha dhibaatadu ka taagan tahay ay tahay kalsooni darro jirta, taleefoon wax laguma xalin karo ee marka waxaan ugu baaqayaa in la isku yimaado si xal loo gaaro ayuu yiri” Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha dhaliyay khilaafka doorashada ay ugu weyn yihiin saddex qodob, kuwaas oo kala ah, Arrinta ku saabsan Guddiyada doorashada, arrinta Jubbaland ee Gobolka Gedo iyo doorashooyinka Xildhibaananda gobolada Waqooyi.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli ismarin-waa uu ka taagan yahay Arrimaha doorashooyinka dalka, isla markaana aan xal laga gaarin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post