876 Views

Mareykanka oo sheegtay in ay jiraan walxo duula oo lagu arkay Hawada Maraykanka

Mareykanka oo  sheegtay in ay jiraan walxo duula oo lagu arkay Hawada Maraykanka
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in wax faahfaahin ah aysan ka bixin karin walxo duula oo aan la garan waayay waxa ay yihiin.

Duuliyeyaal ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa horraantii bishan walxahaas ku arkay hawada Mareykankan.

Dowladda waxay meesha ka saartay in walxahana qalab hawada loo soo diray.

Warbixin kasoo baxday waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka ayaa sheegtay in 144 dhacdo laga soo tebiyay hawada tan iyo 2004-tii balse mid kamid ah haatan la garan la’yahay isla markaana aanan wax sharraxaad ah laga bixin karin.

Aqalka Koongareeska ayaa horraan codsaday in la baaro walxahaas kadib markii duuliyeyaal ka tirsan militeriga ay walxahaas kusoo arkeen hawada Mareykanka.

Horraantii bishan ayay aheyd markii dowladda ay warbixin kasoo saartay howlgal ay sameeyeen milatariga Mareykanka oo sanadkii la soo dhaafay lagu baarayay walxo duula oo aan la garan oo tobnaankii sano ee la soo dhaafay lagu arkayay hawada Mareykanka.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, (Pentagon), ayaa sheegtay inay dooneysay inay wax badan ka fahanto walxahan, oo loo soo gaabiyo (Yovuz), si loo go’aansado inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka iyo in kale.

Waa maxay walxahan duula ee la arkay?

Warbaahinta CBS ayaa barnaamijkeeda 60 Daqiiqo ku wareysatay duuliyeyaal ciidamada badda ee Maryekanka ka tirsan, kuwaas oo arkay walxo duula oo aan la garaneyn, kuwaas oo u duulayay si ka xawaare dheereysa wax walba oo duula oo ay garanayaan.

Duuliyaha howlgabka noqday ee Ryan Graves ayaa sheegay in shirkadda Jet Squadron, ee uu la shaqeyn jiray, ay bilowday in sanadkii 2014 ay aragtay walxo duula oo maraya aagga la mamnuucay ee Virginia.

Wuxuu intaa sku daray in walxahan aysan sii deyn qiiq la arki karo, iyagoo ku duulaya xawaare sare oo aan lagu qiyaasi karin teknolojiyadda haatan jirta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdo noocaas oo kale ah la arkay xilli uu tababar duuliyenimo ah uu ka socday xeebta Atlaantikada, iyadoo walxahaas la arki jiray inta badan si maalinle ah muddo labo sano ah.”

Labo bilood kahor, Pentagon-ka ayaa shaaciyay saddex muuqaal oo muujinaya waxa lagu sheegay “xaalad cimilo oo aan sharraxaad laga bixin”.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay dooneyso inay meesha ka saarto wax walba oo madmadow ah oo ku saabsan xaqiiqda muuqaalladaas oo la soo dusiyay sanaidhii 2007 iyo 2017.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post