720 Views

Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti oo Madaarka dalkaas ku soo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti oo Madaarka dalkaas ku soo dhaweeyay Madaxweyne    Muuse Biixi
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa gaadhay dalka Jabuuti, waxaana kusoo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ay wakhti kooban ku wadda qaateen qolka madaxdu ku nasato ee madaarka, ka dibna madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa loo galbiyay qasriga ay hoggaamiyaasha dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin wakhtigan madax kala duwani oo ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa kamid ah madaxda kala duwan ee lagu casuumay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale loo doortay in uu Jabuuti sii hogaamiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post