486 Views

Itoobiya oo war Cusub ka soo saartsy Dagaalada kasoo cusboonaaday iyo Ciidamada oo ka baxay Deegaano hor leh

Itoobiya oo war Cusub  ka soo saartsy Dagaalada kasoo cusboonaaday iyo Ciidamada oo ka baxay Deegaano hor leh
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada “si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galy “jihooyin badan”.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.

Hase yeeshee dadka magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post