6630 Views

Warbixin ku Saabsan Kulan GDQ uu la Yeeshay RW CCC

Warbixin ku Saabsan Kulan GDQ uu la Yeeshay RW CCC
____________________________________________________________________________

JAMHUURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIA GUDDIGA DIB U HESHIISIINTA QARANKA

HORDHAC:

Xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya taariikhdu markay ahay 27 Agoosto 2015, waxaa uu kulankaasi ka dhacay Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha.

Kulanka oo ku saabsanaa wada tashi ku aaddan dib u heshiisiinta dalka iyo sidi loo dar dar gelin lahaa howlaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka.

FALANQAYNTI KULANKA:

Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ oo Warbixin u gudbinaya RW
Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ oo Warbixin u gudbinaya RW

Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ:

Ugu horreyntii Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macallin Muuse oo hadalka furay ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul-wasaaraha waqtiga uu siiyey GDQ, si ay uga wada hadlaan arimo badan oo laxiriira dib-u hishiisiinta. Intaas kadib, guddoomoyaha waxaa uu faah faahin dheer ka bixiyey howlihii ugu muhimsanaa ee uu Guddigu soo qabtay muddooyinkii ugu dambeeyey, gaar ahaan 2014 – 2015. Guddoomiyuhu waxaa uu sawir guud ka bixiyey in ay dib u heshiisiintu u qeybsantahay laba qeybood oo kala ah:

  • Dib u heshiisiinta bulshada iyo deegaannada; iyo
  • Dib u heshiisiinta siyaasadda

Dib u heshiisiinta Bulshada iyo Deegaannada:

Waxaa uuna warbixin ka bixiyey meelihi ugu muhimsanaa ee uu Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranku ka sameeye howlaha dib u heshiisiinta bulshada iyo deegaanada; waxaana ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran:

Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ oo Warbixin u gudbinaya RW
Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ oo Warbixin u gudbinaya RW

Warbixintii Guddoomiyaha:

  • Sh/hoose: waxaa isku dagaalay beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal. Guddiga oo kaashanayo golaha Wasiirrada ayaa waxaa uu sameeyey dib u heshiisiin iyo wada hadal bulsho oo heer degmo iyo deegan ah. Sidoo kale, Guddiga waxaa uu ka qeyb galay 8-10kii Agoosto 2015 seminaar ku saabsan nabadda iyo dib hehsiisiista gobolka Shabeellada hoose, waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Tubta Nabadda, walina way socotaa waan waanta u dhaxayso labada beelood ayuu yiri Guddoomiyuhu.
  • Sh/dhexe: waxaa ku diriray beelaha Walamooy & Maxamed Muuse. Waxaana Guddigu ka qeyb qaatay laba barnaamij oo dib u heshisiin loogu sameynayey labada beelood, waxayna kala ahaayeen:
    • Kulan ballaaran oo lagu heshiisiinayey beelaha Walamooy iyo Maxamed Muuse oo ku dagaallamay Gobolka Sh/dhexe degmada Jowhar. Kulankan dib u heshiisiineed oo si wada jir ah usoo qaban qaabiyen GDQ iyo Gabar waddaniyad ah oo ka mid ah dadka u dhashay Gobolka magaceedana la yiraahdo Marwo Caasho Raagto, gabadhaas oo GDQ hambalyo iyo boogaadin ujeedinayo sida Soomaalinimada ah oo ay uga damqatay dhibaatooyinka dagaalladu u gaysteen beelaha walaalaha ah.
    • Sidoo kale, Xubno isugu jira labada gole iyo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka ayaa oo uu hogaaminayey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Cabdirashiid Maxamed Xididg, ayaa safar howl dib u heshiisiin ah ku tagay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe. Haddaba, waxaan u mahad celinaynaa Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe”, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe oo si mug leh noogala shaqeeyey Dib u Heshiisiinta beelaha Maxamed Muuse iyo Walamooy oo muddo dheer ku dagaallamayey Magaalada Jowhar
  • Hiiraan: Waxaa ku diriray labada beelood ee Surre iyo Xawaadle. Waxaana safar dib u heshiisiin ku tagay gobolka Hiiraan Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee GDQ iyo xubno ka tirsan labada gole. Sidoo kale, GDQ ayaa shir dib u heshiisiin Muqdisho ugu qabtay labada beelood ee diriray.
  • Mudug & Galguduud: waxaa ka jira colaado mar walba soo noq noqday ee u dhaxeeyo beelaha wada daga gobolladaas. Waxaana uu Guddigu u diray xubno ka tirsan si ay u soo dhax dhaxaadiyaan colaadahaas.

Intaas kadib, waxaa uu Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in la qabto shir wayne dib u hehsiisiin oo laysugu keeno dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada si laysku cafiyo loona helo heshiis bulsho oo waara (long lasting social contract).

Dib u heshiisiinta Siyaasadda:

Si waddanku u gaaro dib u heshiisiin waarta iyo xasilooni siyaasadeed, waxaa lama huraan ah in dhax dhaxaadin siyaasadeed laga dhax sameeyo, dhinacyada soo socdo:

  • Puntland & Dowladda Federalka
  • Puntland & Galmudug
  • Galmudug & Ahlu-sunna
  • Jubbaland & Dowladda Federalka
  • Jubbaland & Gobolka Gedo
  • Wadahadalki Somaliland & Dowladda Federalka oo horey loo sii wado.

Guddoomiyuhu wuxuu mahad celin ballaaran u jeediyey Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdiarashid Cali Sharmaarke oo waqti dheer siiyey xubnaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka si ay ugu soo gudbiyaan talooyin ku saabsan dhamaystirka geeddi socodka dib u heshiisiinta dalka.

Cabdicasiis Mukhtaar Macallin “Qariidi”, Xog-hayaha GDQ:

Cabdicasiis Mukhtaar Macallin “Qariidi”, Xog-hayaha GDQ & Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ iyo Ra’iisul-wasaare Cumar.C. Sharmaarke
Cabdicasiis Mukhtaar Macallin “Qariidi”, Xog-hayaha GDQ & Mudane Ismaaciil Macallin Muuse, Guddoomiyaha GDQ iyo Ra’iisul-wasaare Cumar.C. Sharmaarke
  • Waxaa uu u mahad celiyey RW waqtigiisa uu siiyey GDQ.
  • Waxaan kaloo codsanaynaa in aad naga caawiso xiriirka beesha caalamka iyo deeq bixiye yaasha si aan fursad ugu helno in aan qabanno howlo badan looguna guulaysto qaar ka mid ah ujeedooyinka Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka.
  • Maadaama Dib u Heshiisiintu tahay laf dhabarta howl kasta ay qaban lahayd dowladda Federalka Soomaaliya, waxaa lama huraan ah in dowladdu awooddda saarto in dib u heshiisiin waarta laga sameeyo guud ahaan wadanka.

Sayid Cali Cabdi Muxiyadiin, Xog-hayaha Maaliyadda GDQ:

  • Mudane Ra’iisul wasaare waan kaaga mahad celinaynaa in aad nala fariisato oo waqti aad nala qaadato inago ka wada hadlayno xaaladda dib u heshiisiineed ee dalka.
  • Waxaan kaloo aan soo jeedinayaa, mudane Ra’iisul-wasaare, in dib u heshiisiinta marka la samaynayo ayna marka hore bilaabin madaxda sare ee dalka, balse waxa wanagsan in marka hore hoos laga bilaabo, kadibna ay soo ajaraan madaxda sare.
C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda ee GDQ
C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda ee GDQ

Cabdirizaaq Ibraahim Axmed “Budul”, Guddoomiye K/xigeenka GDQ:

C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda  ee GDQ iyo Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Sharkaarke
C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda ee GDQ iyo Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Sharkaarke
C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda
C/rasaq Ibrahim “Budul”, Gud. K/xigenka 2aad iyo Sayid Cali C. Muxiyadiin, Xog. Maaliyadda
Ra’iisul-wasaaraha X. F. Soomaaliya Cumar C. Cali Sharmaarke
Ra’iisul-wasaaraha X. F. Soomaaliya Cumar C. Cali Sharmaarke
  • Waxaan kaaga mahad celinaynaa Mudane Ra’iisul-wasaare waqtiga iyo fursadda aad noo siisay in aan kugula sheekeysanno.
  • Waxaa muhiim ah in aad ka shayso sidi Guddigan loo howl galin lahaa looguna ogolaan lahaa in uu qabto howlaha dib u heshiisiinta qaranka ee xiligaan baahidiisu taagantahay.
Guddoomiye Ismaaciil Macallin Muuse oo madasha kulanka ka hadlaaya
Guddoomiye Ismaaciil Macallin Muuse oo madasha kulanka ka hadlaaya

Ugu dambeyn, waxaa shirka soo gaba gabeeyey Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uuna soo dhaweeyey kulanka uu xafiiskiisa kula qaatay xubnaha GDQ.

Ra’iisul-wasaaraha waxaa uu Guddiga kala hadlay dhowr arimood oo muhiim ahaa, waxayna kala yihiin:

  • Sharciyadda Guddiga (legitimacy): Annagu waxaanu garowsannahay in Guddiga Dib u Heshiisiintu Qaranku uu wali isagu sharci yahay inta laga samaynayo Guddi kale oo isaga badalo. Taasi waxay macnaheedu tahay inta laga samynayo guddig kale uu isaga sii jiraayo howsha dib u heshiisintuna uu Guddigani sii wadaayo, waana sida ku qoran dastuurka Federalka ah.
  • Ka shaqaysiinta GDQ ee xilligaan: si aan idiin caawiyo, adinka waxaad ka soo fakartaan barnaamij wax ku ool ah oo aan anna markaas dadaal u galo sidii aad u heli lahaydeen wax walba oo idin kaga xiran in aad shaqaysaan sida dhaqaale.
  • Dagaallada sokeeye: sida aan ognahay waxaa jira dagaallo sokeeye oo ka jiro meelo badan o ka mid ah dalka sida Deefow, Sh/hoose iyo Sh/dhexe. Dagaalladaasna waxay u badanyihiin aargoosi iyo aano qabiil. Sidaas awgeed waa in aan u wada istaagnaa xalkiisa iyo sidi lagu dhamayn lahaa.
  • Side loo wajahayaa dib u heshiisiinta bulshada iyo deegannada (mechanisms): waxaan idinka doonayaa in aad ka fakartaan habka loo marayo dib u heshiisiinta. Tuasaale, ma waxaa laga u marnaa odayaasha dhaqanka, Culamada diinta, dhalinyarada, haweenka, mise Bulshada Raydika IWM.
  • In aad howl-qabadkiina laba-laabtaan: waxay ila tahay in aad waxqabadkiina ku aaddan dib u heshiisiinta aad kor u qaaddaan. Waxaan ku talinayaa in aad samaysaan barnaamijyo aad ku casuumaysaan shakhsiyaadka caanka ah ee laga yaqaano Soomaaliya iyo caalamkaba, si ay usoo jiitaan dadka. Waxaan is leeyahay barnamaijyada noocaas ah in ay wax wayn ka tarayaan howlaha dib u heshiisiinta qaranka. Si kastaba ha ahaatee, adinku isku day la imaada.
  • Gabo-gabo: waxaan idin ka rabaa kulankeena kan xiga in aad ii keentaan wax barnaamij ah oo aan wax idin kala qabto oo ku saabsan dhamaan inta aan soo sheegay.

 

Sawir kooxeed (Group photo) kulanka kadib
Sawir kooxeed (Group photo) kulanka kadib
Sawir kooxeed (Group photo) kulanka kadib
Sawir kooxeed (Group photo) kulanka kadib

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment