1143 Views

Soomaaliland oo la wareegtay deegaan ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland

Soomaaliland oo la wareegtay deegaan ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay lawareegeen Saldhigii deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Puntland.

 

Saldhiga deegaanka Boocame ayaa waxaa Ciidamada la wareegay ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo horey uga mid ahaa Ciidamada Booliska Puntland balse ku biirey Soomaaliland.

 

 

 

Ciidamadaan la wareegay Saldhiga deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa hoggaamkinaya Saraakiil Caanka ah deegaannada Puntland,waxaana la sheegay inay xerada ka taageen Calanka Soomaaliland.

 

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland ay gaareen degaanka Boocame,kuwaas oo Gadiidka nooca dagaalka iyo Ciidamo kale ku kordhiyey Ciidamada la wareegay deegaankaas.

 

Si kastaba tallaabadaan ay Ciidamada soomaaliland kula wareegen saldhig ay Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Boocame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntland ay horey deegaankaas uga dhistey Saldhig ay sheegeen inay uga hortagayaan weeraro kaga yimada dhinaca Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment