927 Views

Al-shabaab oo mar kale deegaanka Kamsuuma ku toogatay laba qof oo kale.

Al-shabaab oo mar kale deegaanka Kamsuuma ku toogatay laba qof oo kale.
____________________________________________________________________________


Khamiis: October 7, 2021

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay Mar kale ku toogatay  fagaare  ku yaala  deegaanka Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Laba qof

Wararka ayaa sheegaya in Fagaaraha lagu toogtay dadkaas waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamad Faarax oo isna ahaa 24 sano jir.

Ooyow ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu faraxumeeyey wiil 5 sano jir ahaa, halka Cabdullaahi Maxamed ay Al-Shabaan ku eedeysay inuu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.

Office Naiorbi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post