642 Views

Maamulka Hoyga Xamar oo war ka soo saaray xiisada dhulka la isku heysto ee iskuulka

Maamulka Hoyga Xamar oo war ka soo saaray xiisada dhulka la isku heysto ee iskuulka
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 30, 2022

Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhulka iskuulkaas ee ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaar madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey magacyada labo ganacsade oo uu sheegay in dhulkaas ay ku heystaan, sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku guul dareystay inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan uu kala hadli rabay.

Waxaa xusid mudan in dhulkaas ay leedahay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa hadda degan dugsiga Hoyga Xamar, wuxuuna guddoomiyaha dugsigaasi sheegayaa in Madaxweynaha uu la wadaagi doono Decomentyada dhulkaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Hoyga Xamar ayaa sheegay in ganacsatada ku heysata dhulkaas ay hadda xusul duub ugu jiraan in warqado ay ka saxiixdaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Khilaafka ka taagan dhulkaan ayaa mudo soo jiitamayey, wuxuuna soo cusboonaaday maalmo ka hor, iyadoo la sheegay in ciidamo hubeysan ay yimaadeen dhulkaas, in kastoo garabka kale ay beeniyeen inay ciidan keensadeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post