1098 Views

Bandow ka dhaqan galey degmooyin ka mid ah Dowlad Goboleedyada

Bandow ka dhaqan galey degmooyin ka mid ah Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Waxaa xalay uu Bandow si rasmi ah uga dhaqan galay Magaalooyin kamid ah dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland,kaas oo looga hortagayo faafida Cudurka Coronavirus.

 

Wasiirka Amniga Hirshabeelle Xilibaan,  Maxamed  Cabdiraxmaan ayaa sheegay in laga bilaabo xalay   Salaada Cisho  wixii ka dambeeyay degaannada Hirshabeelle  uu ka dhaqan galay Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga gol leeyahay  ka hortaga Cudurka Covid19.

 

 

 

Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay  dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle.

 

Dhinaca kale Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Bandow xilliyada habeenkii ah waxaa uu kusoo rogey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,kaas oo xalay dhaqan galey.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in Bandowga uu Kismaayo ka bilaawdey 7:00 Fiidnimo kuna egyahay 5:00 Subaxnimo,isaga oo Ciidamada ku amrey inay dhaqan geliyaan si looga hortago faafida Cudurka COVID19 oo kiisas kamid ah laga helay Kismaayo.

 

Bandowgaan lagu soo rogey degmooyin kamid ah Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Caawa 8:00 Fiidnimo ilaa 5:00 Subaxnimo la filayo in uu Bandow ka dhaqan galo Magaalada Muqdisho,kaas oo ay kusoo rogtey Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment