837 Views

Sheekh shariif “Dalka waxa ka jirta xaalad doorasho oo aan la hubin xiliga ay dhaceyso

Sheekh shariif “Dalka waxa ka jirta xaalad doorasho oo aan la hubin xiliga ay dhaceyso
____________________________________________________________________________

Arbaco : November 10, 2021

Xili shalay uu amray Raisal wasaaraha Somaliya in Doorashada aqalka hoose lagu soo gaba gabeeyo bisha soo socota,  Si Janaayo loo aado doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa arintaas dhaliil ka muujiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay bilaabanayaan doorashooyinka iyo xilliga ay soo idlaanayaan, midaasi oo hubanti la’aan dalka halis gelin karta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyada qabsoomida doorashooyinka ay saaran tahay dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinka labada heer oo ayagu gacanta ku haya habsami u socodka doorashooyinka.

 “Dalalka burburaya ee Afrika iyo meelaha kale ku yaala asbaabta u weyn waxay la xiriiran arrimo doorasho, Soomaaliya waxaa dhibaato ku filan intii ay soo martay.”

hadalka shekh shariif ayaa imaanaya Xili Raisal wasaaraha Soomaaliya uu amray shalay Gudiga Doorashooyinka Heer federal iyo maamulo Goboleedyada in la dadajiyo Doorashada baarlamaanka oo si deg deg ah loo bilaabo.

 .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post