537 Views

Dowladda Burkina Faso oo beenisay in isku day afgembi uu ka dhacay dalkaas

Dowladda Burkina Faso oo beenisay in isku day afgembi uu ka dhacay dalkaas
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Ciidamada kacdoonka ka wada dalka Burkina Faso ayaa dalbanaya in lagu garab istaago ololahooda ka dhanka ah kacdoonka Islaamiyiinta ee ku faafaya dalkaas.

Waxay dalabaadkooda shaaciyeen saacado kaddib oo rasaas xooggan laga maqlay saldhigyo ku yaalla caasimadda Ouagadougou iyo magaalooyin ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay inay doonayaan in la beddelo hoggaanka militariga, ciidamo dheeraad ah iyo tababar fiican oo ku saabsan la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah.

Waxay sidoo kale codsadeen in la kordhiyo cuntada la siiyo, daryeel wanaagsan loo fidiyo ciidanka dhaawacma iyo in sidoo kale taageero dheeraad ah la siiyo qoysaska ciidamada geeriyooday.

Dowladda ayaa qirtay rasaasta balse waxay sheegtay in militarigu aysan la wareegin awoodda.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post