1578 Views

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Madaxa UNIDO

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Madaxa UNIDO
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia.

Labada masuul waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo mashaariicda socda ee lagu horumarinayo Ganacsiga dalka.

Kulanka, waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay iska xog-waraysteen mashaariicda horumarinta ganacsiga ee dhinacyadu ka wada-shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin mashruuca horumarinta ganacsatada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (EDU’s), mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka dalka (PSDP) iyo mashruuca kobcinta ganacsatada iyo abuurista xarumaha Ganacsiga ee dalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post