615 Views

Saraakiil Al shabaab ah oo lagu soo qabtay degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose .

Saraakiil Al shabaab ah oo lagu soo qabtay degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose .
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 9, 2022

Wararka ka imaanaya deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xoogleh oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa Jubbland iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Sida la sheegay dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-shabaab ay Weerar kusoo qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaan hoos taga degmada Jamaame, iyadoo khasaaro iyo dhamasho uu ka dhashay dagaalka oo socday muddo.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay in guul ay ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-shabaab islamarkaana khasaaro kale duwan ay gaarsiiyeen.

Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in 6- ka mid ah xubnihii weerarka soo qaaday oo iskugu Saraakiil iyo Askar ay gacanta ku dhigeen, halka 10 Kalane lagu Dilay Dagaalka.

Al-shabaab dhankooda iyaguna kama aysan hadlin dagaalka ay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland kula galeen deegan hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale, Taliska ciidanka Xoogga ayaa soo bandhigay sawiradooda xubno ay sheegeen in dagaalka ay ku qabteen oo ka tirsan Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post