1200 Views

Boris Johnson oo sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarkii Markabka

Boris Johnson oo  sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarkii Markabka
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarka nacasnimada ah ee ay ku qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey xeebaha Oman.

Weerarkan oo dhacay Khamiistii tagtay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo mid British uu yahay, halka kan kalena uu u dhashay Romania.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa dhankeedana sheegtay inay ka jawaabi doonto halis kasta oo la geliyo amnigeeda, kadib markii Mareykanka, UK iyo Israel ay ku eedeeyeen weerarka.

Tehran waa ay beenisay inay ku lug leedahay weerarka oo la tuhunsan yahay in lagu fuliyey diyaarad Drone ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post