468 Views

Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin oo eedeyn u jeediyay sirdoonka Mareykanka

Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin  oo eedeyn u jeediyay sirdoonka Mareykanka
____________________________________________________________________________

isniin: April 25, 2022

Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu baaqay shacabka Ruushka inay sii midoobaan, wuxuu ku eedeeyay dowladaha reer galbeedka inay isku dayayaan inay burburiyaan dalka.

Wuxuu sheegay in hay’ado shisheeye gaar ahaan laanta sirdoonka ee Mareykanka ee CIA-da ay qoersheyneyso weeraro argagixiso.

Putin oo shirka sanadlaha ah la lahaa dacwad oogayaasha Ruushka ayaa sheegay in Mareykanka iyo dalalka Yurub ay wadaan tallaabooyin diblumaasiyadeed oo aan horey lo arag iyahpp hub u diraya Ukraine.

Putin wuxuu sidoo kale ka cawday waxa uu ku tilmaamay cunaqabateynta gardarrada ah ee lagu soo rogay Ruushka balse wuxuu ku adkeystay in ganacsiga dalkiisa uu si wanaagsan u socdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post