3813 Views

Haweenka ku jira Barlamanka oo kulan la qaatay dhallinyarada

Haweenka ku jira Barlamanka oo kulan la qaatay dhallinyarada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 October 2015 – Mudanayaasha haweenka ah ee ku jira Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay ururrada dhallinyarada,  iyagoo kala tashanaya sharci cusub oo ku saabsan haweenka kaasoo dhawaan la horgeyn doono baarlamanka.

Kulankan oo ka dhacay Muqdisho islamarkaana mudanayaasha haweenka ah la qaateen ururada dhallinyarada ayaa ujeedadiisu aheyd, sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay mudanayaashu ugu jiraan horumarinta siyaasadda haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cismaan oo ku hadashay magaca mudanayaasha ayaa sheegtay iney inay dhallinyarada kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen  sharci haweenka u ogolaanaya in tiro badan ay ku yeeshaan Baarlamanka Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magca haweenka Baarlamanka waxaan soo diyaarinay qaraar siyaasadeed oo ku saabsan qoondada ay haweenku leeyihiin, haweenka waxa hore loo sheegay boqolkiisa Sodon ay leeyihiin taasna ay socon weyday, hadda qaraarkaasaan baarlamanka u gudbinay waxaan rabnaa in baarlamanku ansixiyo” ayeey tiri Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Dhalinyaradii ka qeybgashay kulankaasi ayaa dhinacooda sheegay iney ku taageerayaan mudanayaasha horumarinta siyaasadda haweenka Soomaaliyeed, iyagoo ku bogaadiyay haweenka mudanayaasha ah dadaalka ay ugu jiraan horumarinta siyaasadda haweenka Soomaaliyeed..

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment