966 Views

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo digniin adag u diray Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden  oo digniin adag u diray Ruushka
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee adduunka.

“Waxaan rabaa in aan caddeeyo Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah in uu lahaado leh awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay” ayuu yiri Biden.

“Laakiin ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka”

Biden ayaa marar badan diiday inuu u diro ciidamo Maraykan ah si ay isaga hor imaad toos ah ula galaan ciidamada Ruushka.

Maalmihii la soo dhaafay, maamulkiisa ayaa bilaabay olole cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Vladimir Putin iyo dalkiisa.

Jimcihii Biden, wuxuu ku dhawaaqay in dalkiisa uu mamnuucayo badeecadihii uga imaan jiray Ruushka sida khamriga Vodka, dheemanka iyo cuntada badda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post