441 Views

Madaxweynaha Ukraine oo diiday dalab uga yimid Washington oo ah in laga saaro Ukraine

Madaxweynaha Ukraine  oo diiday dalab uga yimid Washington oo ah  in laga saaro  Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti:February 26, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa diiday dalab uga yimid xukuumadda Washington oo ahaa in laga caawiyo sidii looga soo saari lahaa dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

“Dagaalka ayaa halkan ka socdaa, waxaan u baahanay hub” sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeyso sarkaal sare oo ka tirsan sirdooonka oo si toos ah ula socday wada hadalka.

Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay caawiso madaxweyne Zelensky, ayuu yiri wargeyska Washington Post oo soo xiganayo saraakiil u dhalatay Ukraine iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa si weyn loogu ammaanay jawaabta uu ka bixiyay duulaanka Ruushka uu dalkiisa kusoo qaaday.

Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso jeediyay wuxuu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka.

“Marka aad ina soo weerartaan, waxaad arki doontaa wajiyadeena balse arki meysaan dhabarkayaga” ayuu yiri Zelensky.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post