837 Views

Shiinaha oo indhaha ku haya Doorashada saakay ka dhacaysa Maraykanka

____________________________________________________________________________

Shiinaha oo indhaha ku haya Doorashada saakay ka dhacaysa Maraykanka

Gudaha Mareykanka, Biden iyo Trump waxay ku doodeen cedda ugu habboon ee hoggaamin karta Mareykanka, iyadoo ay jiraan caqabado uga imaanaya Shiinaha.

Balse marka la eego xukuumadda Beijing, sheekada ugu weyn ee kala jirta doorashada ma aha yaa hoggaamin doona Mareykanka afar sano ee soo socota, balse waa inay wiiqantay dimquraadiyadda Mareykanka iyo inkale.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ka gaabsaday tebinta doorashada Mareykanka, iyadoo Beijing ay dooneyso inay ka fogaato in lagu eedeeyo faragelinta doorashada.

Warbaahinta dowladda ayaa diiradda saareysa kala daadsanaanta hannaanka doorashada iyo xasaradda caafimaad ee ka jirta Mareykanka, intii ay diiradda saari lahaayeen tartanka madaxtinnimada.

Bilihii la soo dhaafay, qaskii siyaasadeed iyo kacdoonkii bulsho ee ka taagnaa Mareykanka, waxay ku tiri ku teenta ugu badan u ahayd Shiinaha, iyadoo dowladdu ay dooneyso inay caddeyso sida hannaankeeda siyaasadeed uu uga sarreeyo dimuqraadiyadda.

Bulshada ku nool Shiinaha ee gaaraysa 1.4 bilyan, waxaa inta badan ka mamnuuc ah warbaahinta dibadda. Balse baraha bulshada Shiinaha kama marna dacaayadaha laga fidinayo labada nin ee u tartameysa madaxtinnimada Mareykanka.

Qaar badan baa ku raaxeysanaya barnaamijyada siyaasadda Mareykanka, halka kuwo kalena ay is weydiinayaan halka uu u jiheysan doono xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, afar sano ee soo socota, gaar ahaan haddii uu mar kale soo laba kacleyn doono dagaalka ganacsi ee labada dal.

Dadka ku nool daafaha dunida ayaa rajeynaya inay maqlaan natiijada caawa kaddib, balse waxaa laga yaabaa ibaysan u soo bixin sidaas degdegta ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post