1005 Views

Maxaa ka jira in dowladda dhexe ay Ciidamo si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Gaalkacyo?

Maxaa ka jira in dowladda dhexe ay Ciidamo si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Gaalkacyo?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2019–Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyay in ay jiraan Ciidamo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Waxaa uu sheegay in Wararkaasi yihiin been abuur ,islamarkaana aysan jirin hub iyo Ciidan lagu wareejiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur .

 

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri.

 

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment