1047 Views

Abiy Axmed oo Hanjabaad u diray mar kale Maleeshiyaadka TPLF

Abiy Axmed oo Hanjabaad u diray mar kale  Maleeshiyaadka TPLF
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

`

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marki ugu horreysay ka hadlay magaalooyinka Alamata iyo Koram ee ay dib u qabsadeen xoogagga TPLF, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso wax kasta oo suuragal ah.

Bayaan ka soo baxay Dowlad Deegaanka Amxaarada waxaa lagu sheegay Ciidamada TPLF ee qabsaday magaaloyinka Alamata iyo Koram ay u ruqaansadeen dhinaca Walqayt-Tagade iyo Satiit-Humera si ay u qabasadaan.

Ra’isal Wasaare Abiy Axmed oo bartiisa bulshada uu maanta oo shalay qoraal soo dhigay wuxuu ku sheegay, in inkastoo ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah oo ay uga gol leedahay in shacabka Tigraay la gaarsiiyo gargaar bani aadaminmo, xilli beereedkanna ay ka faa’ideystaan, haddana xoogagga TPLF dagaalka wey joojin waayeen.

Wuxuu tilmaamay in marka “dowladda ay sameyneyso waxkasta oo suuragal ah iyo sida ku habbon”.

“Xabad joojinta ay dowladda dhexe gaartay si kale ayey u qaateen oo waxay billaabeen inay deegaanka Tigray ka huriyaan colaad hor leh”.

Wuxuu yiri: “Beesha Caalamkana waxay isku dayayaan in waddooyinkii looga talagalay in shacabka Tigray gargaarka loo mariyo ay TPLF dagaalka uga faa’ideysanayaan haddana hay’adaha gargaarka waxay isku dayayaan inay dowladda eedo ay mudneyn u soo jeediyaan,” ayuu yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post