888 Views

Madaxweynaha Puntland oo Gaashaanka u daruuray in uu Xiriir siyaasadeed la leeyahay dowladda Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha   Puntland oo Gaashaanka u daruuray in uu Xiriir siyaasadeed la leeyahay dowladda Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo wareysi siinayey TV-ga Dalsan ayaa jawaab ka bixiyay eedayntii ka Timid Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo oo ahaa in uu Xiriir la leeyahay UAE.

Madaxweyne Deni, oo su’aal laga weydiiyay, haddii uu xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraadka? Ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraadka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan arrintaas.

“Waxaan si cad u sheegayaa in Siciid cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin, marka taasi ma jirto, dowlad goboleedyada Soomaaliya-na hade wax xiriir siyaasadeed ah si gooni ah u lama yeelan karaan wadan kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post