1092 Views

Maxkamada ICC oo billawday baaritaan la xiriiro eedeynta ku saabsan dambiyada dagaal ee ka dhacay dhulka Falastiin.

Maxkamada ICC oo  billawday baaritaan la xiriiro eedeynta ku saabsan dambiyada dagaal ee ka dhacay dhulka Falastiin.
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Adduunka ee ICC ayaa billawday baaritaan la xiriiro eedeynta ku saabsan dambiyada dagaal ee ka dhacay dhulka Falastiin.

Fatou Bensouda waxay sheegtay baaritaanka inuu quseeyo laga billaabo 13-kii June 2014-kii dhacdooyinkii ka dhacay dhulka Falastiin ee ay Israel haysato ee Daanta-Galbeed, Bariga Quduus iyo Marinka Qaza .

Bishii hore maxkamadda ICC oo uu fadhigeeda yahay Heague ayaa go’aan ku gaartay dhulka Falastiin iney ka meel mariso awoodda sharci ee ay leedahay.

Israel ayaa ku gacan seydhay go’aanka Ms Bensouda, halka ay Falastiiniyiintu si weyn ugu riyaaqeen.

Maxakamadda ICC waxay awood u leedahay iney dacwad ku soo oogto cid kasta oo geysato xasuuq, xadgdub bani aadaminimo iyo dambiyo dagaal ee ka dhaca dowladaha xubinka ka ah Axdigi Rome.

Israel weli ansixin axdiga Rome, halka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 2015-kii aqbalay iney Falastiin axdigaasi ku biirto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post