942 Views

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in koontorool ku yaalla duleedka degmadaas uu ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo katirsan Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay inay u baabulan yihiin hab beeleed,kuwaas oo ka yimid dhinaca Magaalada Carmo.

 

 

 

Dagaalka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen in uu salka ku heyso Xiisaddaasi muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen 4 Ruux oo laba dhinac ah,islmarkaana weli agagaarka Koontoroolka Bari ee Magaalada Boosaaso laga maqlayo rasaas goos goos ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment