807 Views

golaha wakiilada Somaliland oo guddoonka golaha ka dalbaday in la waajibiyo guursashada saddex xaas

golaha wakiilada Somaliland oo guddoonka golaha ka dalbaday in la waajibiyo guursashada saddex xaas
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

Xildhibaan Axmed Yaasiin oo kamid ah mudaneyaasha cusub ee golaha wakiilada Somaliland ayaa guddoonka golaha ka dalbaday in la waajibiyo guursashada saddex xaas, islamarkaana lagu daro xeer hoosaadka golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiligan soo jeedintiisa ay ku kooban tahay xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo uu sheegay inuu ku filan yahay mushaarkooda, ayna horseed u noqon karaan bulshada kale ee reer Somaliland.

“Waxaa doonayaa in xeer hoosaadka waajib laga dhigo qoddob ah in Mudane kasta oo halkan fadhiya uu yeesho Saddex Xaas, maadama uu ku filan yahay mushaarkiisa,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Yaasiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale u noqonayaan ganacsatada iyo dadka dhaqaalaha haysta haddii ay xildhibaannadu sameystaan xaasas badan, midaasi oo ka qayb qaadanaysa xoojinta xaga taranka bulshada.

Axmed Yaasiin ayaa doodiisa u weyni tahay in mushaarka iyo gunnada ay qaataan xildhibaannadu ay ku filan yihiin, taasina ay u sahalayso guur-sashada haween badan.

Soo jeedinta Xildhibaanka ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka si kala duwan uga fal-celiyeen arrintaas oo haddii xeer hoosaadka golaha lagu daro, sahli karta in lasoo saaro sharci weyn oo jideynaya arrintaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post