903 Views

QM & Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya baaritaanka Diyaaradii burburtay

QM & Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya baaritaanka Diyaaradii burburtay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–War kasoo baxay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey inay aad uga xun yihiin diyaaradii dhawaan ku burburtay degmada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay ku geeriyoodeen lix ruux oo kala ah Afar Kenyan ah iyo laba Soomaali ah.

Warka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dadaal kasta ay ku bixin doonaan sidii loo cadeyn lahaa sababta ka dambeysa inay diyaaradaasi oo waday Agab samaras ay burburto.

“Annaga oo ah qoyska Qaramada Midoobay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan kari karno si aan uga caawino mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay fahmaan waxa sababay musiibadaas. Waxaan sii wadi doonnaa dabagalka horumarkaas muhiimka ah ayuu yiri,” Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyey Go’aankii dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku Aadan baaritaanka sidii lagu ogaan lahaa sababta ay ugu burburtay Diyaaradda African Airways degmada Bardaale.

Waxaa uu sheegay Danjire Danjire Francisco inay si dhow ula Shaqeyn doonaan dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya si ay u fududaadaan howlaha baaritaanka ah.

Shalay waxaa gaaray goobtii ay ku dhacday diyaaradda ee degmada Bardaale Wafdi isugu jira Wasiiro ka socda Dowladda Soomaaliya Maamulka Koonfur Galbeed iyo Safiirada dalalka Kenya iyo Itoobiya,iyaga oo qiimeyn ku sameynayay sida ay diyaaradaasi ku burburtay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment