1929 Views

Guddoomiye Eng. Yarisow “Isboortigu wuxuu kaalin fiican ka qaataa Naabdda iyo isdhexgalka Bulshada”

Guddoomiye Eng. Yarisow “Isboortigu wuxuu kaalin fiican ka qaataa Naabdda iyo isdhexgalka Bulshada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  28 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb kulan ciyaareed qeyb ka ah barnaamijka isdhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen labo kooxood oo ka dhisan degmada Waaberi ayaa sheegay in Isboortigu uu kaalin wanaagsan ka qaato isdhexgalka iyo Nabadda bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saarayo hagaajinta nolasha dhalinyarada iyadoo loo marayo ciyaaraha, waxuna xusay in degmooyinka laga sameeyey barnaamijyo isdhexgal bulsho, si loo muujiyo awoodda mideysan iyo hormarka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka sameeyaan ciyaaraha.

“Isboortigu wuxuu kaalin wanaagsan ka qaataa nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ka maamul ahaanna waxaan aamin sannahay in ciyaaruhu naga caawin karaan in Muqdisho ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay barisamaadkii, tanoo ah fursaddii ay dhalinyaradeenu uga qeyb qaadan lahayeen xasilloonida iyo amaanka dalka, khaasatan amaanka magaalada oo muhiim u ah daganaanshaha guud ee dalkeenna.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo la hadlayay dhalinyaro tiro badan oo isugu soo baxay daawashada ciyaarta.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhammaadka ciyaarta labada kooxood ee ku kala ciyaarayay magac xaafadeedyada Sargaduud iyo Baar-ha-idhaafin guddoon siiyey koob kooxdii guushu raacday ee Sargaduud, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka degmada Waaberi muhiimadda ay siinayaan Isboortiga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Caasimadda ka wada barnaamijyo bulshada la isagu soo dhaweynayo si ay iskaga kaashadaan hormarinta nabada amniga iyo dhexgalka bulshada, iyadoo ujeedku yahay in la helo bulsho isku xiran oo ka shaqaynaya horumarinta dalkooda.

gud-yarisow-sports-6 gud-yarisow-sports-7 gud-yarisow-sports-5 gud-yarisow-sports-1 gud-yarisow-sports-4 gud-yarisow-sports-3 gud-yarisow-sports-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment