945 Views

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo ka qeybgashay shir muhiim ah

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo ka qeybgashay shir muhiim ah
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Magaalada caasimadda Dalka Hindiya ee New Delhi ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirwaynaha caalamiga ah ee Hay’adda (ISA) ee international solar alliance oo hab fogaan arag ah ay ku martigelinaysay dowladda Hindiya, kaasi oo ahaa shir sanadla ah, waana  shirwaynihii 4aad ee Hay’adda (ISA)

Shirka waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf kala duwan sida Wasiiro , safiiro, wakiilo caalami ah iyo John Kerry, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka ee Cimilad oo ahaa marti qaas ah.

Dowladda Jamhurriyadda Fedaraalka Soomaaliya sanadkaan shirka waxa ku matalayay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Marwo Faduma Cabdullaahi Maxamuud Insaaniya, waxaana ay sido kale jeedisay qudbadda ay ku laheed shirka Somaaliya, madaama ay ka tahay Soomaaliya xubin firfircoon oo Hay’adda  ka tirsan(ISA)’’

Hadal jeedinta Soomaaliya sanadakaan waxa diiradda lagu saaray hawlihii ka qabsoomay barnaamijka tamarta cadceedda ee ay iska kaashadeen fulinteeda hay’addaha dowaladda iyo kuwa  gaarka loo leeyahay iyo caqabadaha Soomaaliya ay kala kulantay dardargalinta barnaamijka tamarta cadceedda.

“Sidoo kale Safiirka Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka codsatay Hay’adda (ISA) iyo dowladaha horumary in ay Soomaaliya ka gacansiiyaan sida ay barnaamijkaan u gaarsiin lahayd miyi iyo magaalo, maadama ay ka mid tahay wadamada caalamka ee leh qorax joogta ah, isla markaana loo badali karo tamar, loogana faa’iideysan karo sida koronta dhalinta iyo wixi lamida ah.

Ugu dambeyn Marwo Faduma Cabdullaahi Maxamuud Insaaniya danjiraha dowladda Soomaaliya u joogta dalka Hindiya ayaa khudbadeeda ku soo gabagabeesay mahadnaq dowladaha aas aasay Hay’adda oo ay ugu horeeyaan dalalka Hindiya iyo Faransiiska,  sidoo kalena dowladda Hindiya u ditay boogaadin ku aadan harumarka dag dag ah ay ka sameeysay barnaamijka tamarta cadeedda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post