954 Views

Suuqa degmada Xudur oo Maalintii labaad xiran

Suuqa degmada Xudur oo Maalintii labaad xiran
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-05-2020-Suuqaweyn ee Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa xiran mudo laba maalmood ah ka dib markii ganacsatada ay ka horyimaadeen Canshuur lagu amray inay bixiyaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xudur oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ganacsatada Canshuurta ay ka qaadaan aysan badneyn balse ay isugu darsantay jidgooyooyin baad looga qaato iyo ganacsaigii oo meel ay soo marsiiyaan ay waayeen maadaama magaalada ay go’doon kujirto.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray taliyaha in Ganacsatada ay yihiin kuwo doonaya inay fuliyaan Amarka Maamulka,hayeeshee caqada heysata ay tahay Go’doonka Magaalada,waxaana Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed uu ugu baaqay inay fuliyaan howlgallo Magaalada go’doonka looga qaadayo.

Magaalooyin badan oo kamid ah dalka ayaa mararka qaar Ganacsatada ku nool waxaa ay dhigaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan Canshuur lagu kordhiyay, iyaga oo mararka qaar Shaqa joojin sameeya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post