351 Views

Dibad baxyo looga soo horjeedo dilalka Dameeraha oo ka dhacay Nigeria

Dibad baxyo looga soo horjeedo dilalka Dameeraha oo ka dhacay Nigeria
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Boqolaal qof oo reer Nigeria ah ayaa ka sameeyay caasimadda Abuja dibadbax ay kaga soo horjeedaan sida sharci darrada ah ee ay dameeraha ku gowraceen dad u dhashay Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Waxa ay sheegeen in dilka dameeraha uu sii socdo inkastoo dowladdu ay amar ku bixisay in la joojiyo dhibaatadaasi.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee soo qaban qaabiyay Mudaaharaadkan ayaa Wasiirka Beeraha ku eedeeyay inuu u fasaxay dad Ajaanib ah inay ka ganacsadaan Dameeraha.

Hindise sharciyeed lagu xakameynayo ganacsiga dameeraha ayaa hadda la horgeynayaa baarlamaanka.

Bishii hore, waaxda canshuuraha ee dalka Nigeria, ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Lagos ka qabtay 7,000 oo xubinta taranka ee dameeraha ah kuwaas oo loo dhoofinayay Shiinaha.

Qaybo ka mida xubnaha dameeraha ayaa looga baahan yahay Shiinaha si looga sameeyo daawo dhaqameed.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post