366 Views

Tiro maleeshiyaad ah oo ku qarqamay webi xilli ay ka cararayeen duqeymaha Nigeria

Tiro maleeshiyaad ah oo ku qarqamay webi xilli ay ka cararayeen duqeymaha Nigeria
____________________________________________________________________________

Talaado: september 6, 2022

Tiro kamid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla dalka Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada ka wadaan gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Brono, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka amniga qaabilsan.

Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoostaga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.

Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen kadib weerarrada maleeshiyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post