2598 Views

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen
____________________________________________________________________________

Columbus | QOL | Nofeembar 11, 2019 – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran ee u baahan gurmadka waara.

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay. Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwo Seynab Macallin oo bogaadisay isku xirnaanta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka ayaa tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan isku-xirka howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka uu kaabaayo qorsheyaasha Qaran ee lagu samata-bixinayo dadkeenna dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad oo ka bilowday Gobolka Columbus ayaa qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarsiiso Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, oo ay ugu horreysiinayso magaalada Seattle Washington, si ay u dardar geliso dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska ururiyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si degdeg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment