1272 Views

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xiisadda u dhaxaysa madaxweynihii hore Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Somaliya Rooble

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xiisadda u dhaxaysa madaxweynihii hore  Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Somaliya  Rooble
____________________________________________________________________________

Isniin December 27, 2021

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in ay dalka badbaadiyaan isaga oo sheegay inuu yahay Tabliiqi Nabadeed.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha inay u utaraan dalka, isaga oo guul u rajeeyey dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa u muuqda inuu ka baxay garabka Farmaajo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku wada jireen hal aag, marka loo eego khilaafaadkii iyo doodihii ka dhashay xaaladda kala guurka ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post