1083 Views

Amar la dul-dhigay Ajaanibta ka howlgasha deegaanada Puntland

Amar la dul-dhigay Ajaanibta ka howlgasha deegaanada Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Dowlad goboleedka Puntland ayaa waqti kooban u qabtay inay isku-soo diiwaangeliyaan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada Maamulkaas si loo hubiyo tiradooda saxda  ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha puntland ayaa Shaqaalaha Ajaanibta ku amray inay u hoggaansamaan shuruucda dalka,isla markaana sida saxda ah isku diiwaangeliyaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray wasiirka in Shaqaalaha Ajaanibta la doonayo inay isa-soo diiwaangeliyaan inta ka horaysa 30-ka bisha June ee sanadkaan 2019 cidii isdiiwaangelin weysana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

“Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha puntland.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha puntland  ayaa dhawaan  cwaxaa ay deegaanada Puntland ka ceyrisay Shaqaale ajaanib ah oo eedeyn kala duwan loo jeediyay halka kuwo kale  loo diray warqad ay ku qoran tahay inay ay keenaan ruqsada shaqaalenimo  in kastoo aysan fulin awaamiirtaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment