1254 Views

Xildhibaano kasoo horjeestay Magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Waare

Xildhibaano kasoo horjeestay Magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Waare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kulamo ay kaga soo horjeeddaan Wasiiraddii Magacaabay Madaxweyne Waare ka wadda Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle uu ku taxay Wasiiro si uu uga badbaado Mooshinka ay ka waddaan Xildhibaanada Hirshabeelle.

Waxa ay sheegeen in Madaxweyne Waare uu ka baxay ballankii uu ka qaaday Xildhibaanada Hirshabeelle ee ahaa in qof xildhibaan ah uusan ka dhigi doonin Wasiir ama Wasiir ku xigeen.

Iskushaandheynta uu sameeyay Madaxweyne Waare ayaa ku timid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Xildhibaanada Hirshabeelle ay Magaalada ka waddaan mooshinka ay xilka kaga qaadayaan Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment