702 Views

militariga Mareykanka oo ka dagay garoonka Kabul si ay u soo daad gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka.

militariga Mareykanka oo ka dagay garoonka Kabul si ay u soo daad gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu soo warramay inay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, si ay usoo daad gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka.

Ciidankan oo qeyb ka ah 3,000 oo askari ayaa gaaray garoonka caalamiga ah ee Karzai, xilli ay dagaalyahannada kooxda Taalibaan sii ballaarinayaan dhulka ay qabsanayaan.

Sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga, oo isagoo aqoonsigiisa qarinaya la hadlay warbaahinta BBC-da bah wadaagta la ah ee CBS ee Mareykanka, ayaa sheegay in ciidanka kale la filayo inay halkaas gaaraan 24-ka saac ee soo socota gudahooda.

Sarkaalkaas la wareystay ayaa sheegay in caasimadda Afghanistan ee Kabul ay khatar ugu jirto inay xoogagga Taliban qabsadaan waqti ka dhow xilliga la saadaaliyay oo ah 30 maalmood gudahood.

Sidoo kale waxay uu intaas ku daray in kooxda mintidiinta ah ay hadda la wareegeen 14 caasimad goboleed oo ku yaalla dalkaas.

Sidee ayay dunida uga fal celisay?

Dhacdooyinka isdabajoogga ah ee laga soo tabinayo Afhanistan ayaa naxdin iyo walwal ku abuuray beesha caalamka.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya suurtagalnimada inay dhacaan xasarado bani’aadannimo, maadaama ay dad badan oo rayid ah barakacayaan.

Diblomaasiyiinta dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta Nato ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan ay uga arrinsanayaan xaaladda kasii dareysa.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa shir deg deg ah la qaatay golihiisa galinkii dmabe ee maanta oo Jimce ah.

Lisa Nandy, oo ah xubin sare oo ka tirsan mucaaradka UK, oo la hadashay BBC-da ayaa dowladda ugu baaqday “inay tallo qaaddo” ayna muujiso inay leedahay “qorshe cad” oo ku aaddan xaaladdaas.

Mas’uuliyiinta ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in UK ay boqollaal askari u diri doonto Afghanistan si ay usoo badbaadiyaan muwaadiniinta Britain ee ku sugan Afghanistan.

Shaqaalaha diblomaasiyadeed ee Safaaradda uu Jarmalka ku leeyahay Kabul ayaa la gaarsiin doonaa tirada ugu yar ee macquulka ah, waxaana la diyaarin doonaa duullimaadyo mar walba diyaar ah.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay inay si ku meel gaar ah u xireyso safaaraddeeda Kabul, shaqaalaheedana ay daad gureyneyso.

Sigrid Kaag, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Netherlands, ayaa shegetay in safaaraddooda ay sii furnaan doonto ilaa intii suurtagal ah, laakiin afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa xaqiijiyay in la yareynayo tirada shaqaalaha.

Nato oo taageeri doonta Afghanistan

Hoggaanka isbahaysiga NATO ayaa shaaciyay in ay dowladda Afghanistan garab istaagi doonaan intii karaankooda ah.

“Ujeeddadeennu wali waa inaan taageerno dowladda Afghanistan iyo ciidamada amaanka intii suuragal noo ah. Askarta amniga sugaya ayaa wax walba ugu muhiimsan,” ayuu yiri xog hayaha guud ee Nato, Janaraal Jens Stoltenberg.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu intaas ku daray: “Nato way sii wadi doontaa joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Kabul, wayna sameyn doontaa isbadallada lama huraanka ah.”

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post