780 Views

Maraykanka oo shaaciyay inay duqayn ka fulisay a Soomaaliya gaar ahaanna Gobolka Mudug

Maraykanka oo shaaciyay inay  duqayn ka fulisay a Soomaaliya gaar ahaanna Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

.Arbaco: july 21 2021

. Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in markii u horraysay mudda lix bilood ah kadib ay duqayn ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Gobolka Mudug.

Duqayntan oo lala beegsaday Al-shabaab ayaa Talaadadii ka dhacday degaanka Qaycad oo u dhexeeya degmooyinka Cammaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in duqayntan ahayd mid lagu caawinayay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo weeraro kala kulmay Al-shabaab.

Dowladda Maraykanku faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay duqaynta ayaa sheegtay in lagu dilay ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post