3684 Views

Labo Qarax oo gil gilay Garoonka Diyaaradaha Brussels

Labo Qarax oo gil gilay Garoonka Diyaaradaha Brussels
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 March 2016: Sida warka nagu soo gaaray, labo qarax ayaa laga maqlay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Qaraxyadan oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa ayaa waxaa uu sababay in daaqadihii iyo muraayadihii garoonka uu soo daato.

Sawirro la soo dhigay Baraha bulshada ayaa muujinayay qiic ka baxayay dhismo ka mid ah garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa hore uu ahaa mid yar, halka qaraxa labaad uu ahaa mid aad u xoogan oo gebi ahaanba ruxay garoonka oo idil, argagax-na ku riday dadki ku sugnaa goobtaa.

Qaraxyada ayaa waxay dhaceen xilli dadka ay sugayeen diyaarada American Airlines oo safaf ay ugu jireen miiska , waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo aan wali tiradooda la sheegin.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka diyaaradaha Brussels, iyadoo la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay iyo kuwa ka baxay.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment