933 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan

Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Tigreeto uu soo saaray ku Magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed & Taliyaha Ciidamada Dhulka ama lugta.

 

Wareegtada ayaa waxaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka loogu Magacaabey S/Guuto Maxamed Cali Bariise halka Taliyaha Ciidamada dhulka loogu Magacaabey S/Guuto Cabdixamid Maxamed Dirir.

 

 

 

Taliye kuxigeenka Cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa bedelay taliye kuxigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kaas oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed halka Taliyaha Ciidanka dhulka uu bedelay Odawaa Yuusuf Raage oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Sarkaalka loo magacaabay taliyaha Ciidamada Lugta/dhulka ee xoogga dalka ee lagu magacaabo Cabdixamid Maxamed Dirir wuxuu horay u soo noqday taliyaha Ciidamada PSF Puntland qeybta gobolka Nugaal.

 

Sidoo kale waxaa uu si KMG ah u qabtay xilka Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal,hayeeshee saddex Maalin ka hor uu ka wareejiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment