1122 Views

SAWIRO:-Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

SAWIRO:-Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

 

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment