1047 Views

Ciidan boolis iyo militeri ah oo laga dejiyey Baraawe

Ciidan boolis iyo militeri ah oo laga dejiyey Baraawe
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa la geeyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ammaanka doorashada ay u sugaan.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow,
guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidankaas goordhaw ku soo dhaweeyey magaalada.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan lagu qabanayaa Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post